KHATARAHA DUNIDA SOO SOCDA.

Sida ay qortay xarunta cilmi-baadhista ee PEW Research Center, waxaa dunida halis ku ah shan waxyaabood oo galin kara dunida khatar weyn, waxaa ka mid ah: 1- Cudurada AIDS, EBOLA Iyo Cudurada Dilaaga Ah Cudurka Coronaha ee waa khatarka ugu weyn ee hada dunida haysta waxay keenin kartaa in abuurmaan qaybo kale duwan oo asalkeedu yahay Corona hadda waxa aad soo socda cuduro laga yaabo in ka xun yihin cudurka coronaha Wadamada ka hooseeya saxaraha weyn ee Afrika waxaa halis xooga ugu jiraan cudurka AIDska, EBOLA isagoo si xawli ah u koraya maalinba maalinta ka dambaysa, waxaa wadamada la tabcaaneen la dagaalanka cudurada, waa halis guud oo dunida oo dhan ku soo socta taas oo keeni karta dabargo ku yimaad dadka dunida ku nool. 2- Nacayb Diimeedka Waxaa bariga dhex ka soo koraya nacaybashiyo ku salasan diinta, taas oo mudooyinkii ugu danbeeyey si xooga ah u soo kordhaya, taas oo horseeday in colaadi ka qarxisay deeganada bariga dhexe, waa mid ku fidi doonto dhamaan dunida 3- Sinaan La’aanta Dhaqaalaha Wadamada yurub, waxaa aad u koraya faraqa u dhexeeya dabaqada hoose iyo dabaqada sare ee dhaqalaha, cilmi baadhis xoog leh oo dhamaan wadamada yurub laga sameeyay waxaa sheegaya in sinaan la’aanta dhaqale ay halis weyn ku tahay nabada dunid. 4- Kala Duwanaashiyaha Fikirada Labada Xisbi ee Maraykanka Ee Jamhuuriga Iyo Dimuquraadiga Waxaa kale duwanan xaga afkaarta ka dhexeeyaa laba xisbi ee ugu waaweyn wadanka maraykanka, waxaa Jamhuuriga ku caan yahay nacaybashiyaha qoomiyaha qaar, halka Dimuquraadigu aad ula dagaalamo farqada u dhaxeeyay dabaqada hoose iyo ta sare. Hadaba kale duwanntaasi waxa halis weyn ku tahay, nabada dunida waayo xisbiga kastaa waxaa uu u adeegaya dantiisa mar awood qabsado.\ 5- Hubka Nugliyeerka Wadanka jaban waa dalka qudha ee arkaya dhibaatada ay leedahay istimaalka hubka nugliyeerka , waxaa aad uga baqo qabaan fididka hubkaasi in dunida ku keento dhibaato weyn, oo maaln uu gacanta u galaan dad aan xilkasnimadoo badnan.

Comments

Popular posts from this blog

WAA MAXAY MIDNIMADA?